..
|
Ogow
Zirfahada Add u Bahan Tahay
|
|
Maxay
tahay waxa aad rabtid inad ogato sida loo sameeyo?
|
.
Training
Handout.
.
|
Xirfadaha
aad u baahan tahay wacyigelinta bulshada
|
.
| Xirfadaha
aad u baahan tahay wacyigeliye ahaan ma ahan kuwo aad u dhib badan, waa
qalab aad u xoog badan. |
. |
Sida
isbarbardhig, ka feker xirfadihii locksmith. A locksmith waxaa uu
qabtay shaqooyin muhiim ah, si qaldana waa loo isticmaali karaa iyadoo
la jebinayo, lana xadayo. |
..
|
Qaladna
loo isticmaali karo.
|
..
| Hadba
marka aad barato xirfadaha wacyigelinta, u isticmaal inaad bulshada uga
faa’iideyso, ma ahan inaad shaqsiyadaada uga faa’ideyso qarashka dadka. |
. |
Maadaama
ay tahay waxa aad hiigsaneyso dhamaan bulshada qeybaheeda, xirfada ugu
muhiimsan ee lagaa rabo waa inaad xiriir wanaagsan sameysaa. |
..
| Waxaa
lagaaga baahan yahay inaan barataa ka hadalka meelaha la isugu yimaad,
ma ahan keliya inaad tahay qof ka hadli kara oo keliya. |
. |
Waxa
lagaaga baahan yahay waa inaad leedahay hogaan wanaag iyo fududeyn wanaagsan. |
..
| Waa
inaad taqaanaa habka wararka lagu helo go’aana looga gaaro qaab koox
koox ah, taas oo u baahan inaad ogtahay fahamsan tahay ujeedadaada kana
muujisaa kalsooni bulshada horteeda. |
. |
Waa
inaad taqaanaa qaabka wacdinta, qudbadeynta, qaabka hadalka loo sameeyo,
ka fogow qaababkan. |
..
| Xirfadaha
farsamo ee aad u baahan tahay wacyigeliye ahaan: fagaare ka hadlid, qorsheyn,
maamul, u kuur gelid, taxliilin, iyo qoraal. |
....... |
Qaabka
ugu haboon ee lagu baran karana waa adoo naftaada ku tacliimiya. |
..
| Waxaa
kaloo lagaaga baahan yahay inaad dabeecad wanaag muujiso oo daacad ah,
firfirconaan, debecsanaan, dulqaad, samir. |
. |
Waa
inaad taqaanaa qaabka loo dhageysto loona fahmo marka dadku hadlayaan. |
..
| Waa
inaad barataa qaabka loo hubiyo in waxan ay sax yihiin. |
. |
Waa
inaad taqaana qaabka looga soo saarto muhimada si aad uga dhigto mid xiiso
leh. |
..
| Ma
u wacdinaysid sidii wadaadki; umana hadleysid sidii siyaasiyiinta; umana
hadleyso sidii barfasoor jamacadeed. |
. |
Waa
inaad barataa si kalsooni ku jirto inaad u hadli kartid marka aad dhex
joogtid ama aad hortaagan tahay. |
..
| Waxaad
u baahan tahay inaad barataa qaabka dadka loo soo jiito. |
. |
Waa
inaad ka fogaataa inaad hadalka kaligaa iska wadato, adigoo muujinaya islaweynin,
ama kibir. |
..
| Waxaad
u baahan tahay inaad wax ka taqaanaa qaabka dooda loo wadaajiyo, adigoon
ku dhaqmayn qaabka macangagnimo. |
. |
Xirfadahaana
waxaad ku baran kartaa oo keliya adigoo ficil ahaan u qabta (ma ahan ka
aqrin buugaag). |
..
..
| Hadii
aad fasal u gashay maadada horumarinta bulshada, oo aad fariisatay adigoo
muhiimada ka qoranay, ma aadan helin tababar wanaagsan. |
. |
Waa
inaad ficil ahaan u qabataa, marka ugu horeysa fasalka aad dhigato hortiisa
ka samey, kadibna qeyb ka mida bulshada. |
..
| Maadaama
la rabo inaad isku dubarido bulsho iyo hogaamiyayaasheda, waxaad u baahan
tahay inaad wax ka taqaanid xirfadaha abaabulida. |
. |
Inkastoo
aad ku xoojineyso bulshada xirfadaha maamulka, waa inaad wax ka taqaanaa
maamulka. |
..
| Maadaama
aad bulshada ku hageysid inay qorshe sameystaan, waxaad u baahan tahay
inaad taqaanaa qaabka qorshaha loo sameeyo. |
. |
Madaama
aad talo ka bixinayso bulshadu inay daacadnimo muujiyaan and xaga maaliyada
iyo qeyraadkooda, waxaad u baahan tahay inaad taqaanaa qaabka xisaabiyenimada. |
..
| Maadaama
aad talo kabixinayso qaabka loo qoro warbixinada, waxaad u baahan tahay
inaad wax ka taqaana qaabka loo qoro warbixinada. |
. |
Waxaadna
ku baran kartaa adigoo ficil ahaan u qabta. |
..
| Waa
inaad taqaanaa qaabka luqadaha loogu barto si dhaqso ah, aadna islma markaas
ku hadli karto dhowr luqadood xili gaaban. |
. |
Waxaad
kaloo u baahan tahay xirfado farsamo oo kale, si aad ugu guuleysato howsha
bulsho wacyigeliyenimada waa inaad muujisaa dabeecad wanaag. |
..
|
Sumcadaadu
waa hanti muhiim ah.
|
..
| Hadii
aad ku caan baxdo daacadnimo, xiriir wanaag, dhexdhexadnimo, howl-karnimo,
niyad-wanaag, dabeecad fiican, dulqaad, firfircoonaan, debecsanaan, sumcadaada
waxay kaalin ka qaadaneysaa howsha wacyigelinta. |
. |
Hadii
aadan intaas ahayn, isku day inaad bedesho. |
.––»«––
|